Xog: Kheyre oo walaac culus ka muujiyay duulaan uga socda Villa Somaliya

0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo dadka ku dhow ayaa ka cabsi qaba beegsi kaga yimaada Villa Somalia oo dacwado iyo ceebeyn ah, kaasi oo lala beegsado Kheyre, sida xog hoose lagu helay.

Xubno ku dhow Kheyre ayaa laga soo xigtay inay ka war-hayaan inuu jiro qorshe la doonayo in Xafiiska Hanti-dhowraha Qaranka, xeer ilaalinta iyo maxkamadaha ay baaritaan iyo dacwado ku furaan Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale, nabaddoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah odayaasha beesha Murusade, oo la hadlay idaacadda Kulmiye ee Muqdisho, ayaa sheegay inuu jiro wel-wel xooggan oo arrintaas ku saabsan oo ay qabaan.

Cabsida jirta ayaa waxaa ka mid ah in Kheyre lagu eedeeyo musuq-maasuq iyo ku takri fal awoodeed, kuwaasi oo dhacay mudadii uu Kheyre xafiiska joogay.

“Waan maqalnay inay isku dayeen arrintaan, wax qarsanna maaha banaanka ayey taallaa,” ayuu yiri Nabaddoon Xaad.

Waxa uu sidoo kale sheegay in arrintan ay qeyb ka tahay ololaha doorashooyinka, balse uu ku rajo weynyahay in shacabka Soomaaliyeed ay dareemi doonaan ujeedka laga leeyahay kiis kasta oo lagu furo Kheyre.

“Waxaan u jeedineynaa hay’adda dowladda, sida hay’adda garsoorka inaysan ka qeyb-galin ololaha doorashada, oo qof uu olole ku galo inuu qof kale sumcaddiisa galin ayaan u sheegeynaa, waxaan sidoo kale u sheegeynaa hanti-dhowrka guud inaan loo marin in qof la dhaawaco, oo aan lagu qasbin ayaan u sheegeynaa,” ayuu yiri Xaas.

Xaad ayaa sidoo kale in waxa hadda socda ay yihiin qabiil beegsi iyo shaqsi beegsi, taasi oo uu sheegay inay ka digayaan, haddii la joojin waayana ay mas’uuliyadda qaadeyso cidda ku lugta leh.

Sidoo kale xubno ku dhow Villa Somalia ayaa sheegeen inaysan jirin wax lug ah oo ay ku leeyihiin cabsida jirta, islamarkaana hay’adaha garsoorka iyo hanti-dhowrka ay yihiin kuwa madax-banaan.