XOG: Kenya Oo Xaalka Ku Xun Yahay Arrinta Dacwadda Badda

0

Xilli  lo madal san yahay in si rasmi ah loo guda galo dhageysiga dacwadda Badda ee Soomaaliya ka geysay Kenya ayaa hadana waxaa soo baxaya xogo hordhac ah oo sheegaya guul darro kusoo wajahan Kenya.

Sida xogta aan ku helnay, Kenya oo muddo badan dib u dhigeysay imaanshiyaheeda maxkamadda ayaa lagu soo waramayaa iney ulajeed ka lahayd, waxaana ay isku dayeysay iney Soomaaliya waqtiga ku dheerayso si maamulka hadda jira markii ay la heshiin waayeen u raadiyaan maamul dhankooda u janjeera oo danahooda fuliya.

Hase ahaatee waxay hadda madaxda Kenyanku sheegayaan in rajo wanaagsan aysan lahayn, maadaama aysanba haysan docoments ay maxkamadda la tagaan.

Sidoo kale, wxaa fashilka ugu weyn keenay kadib markii ay marar badan isku dayeen iney xadka dhanka bariga ku aadiyaan baddan, kadib markii ay ciidanka qaranka ka hortageen.

Soomaaliya ayaa guul weyn la filayaa iney ka keento dacwaddan, iyadoo wafdigii dalka matali lahaa ay maanta ambabaxeen.

WARQAAD MEDIA
MUQDISHO, SOMALIA