Home WARARKA XOG: Itoobiya oo si Qarsoodi ah Imaaraadka & Sacuudiga ugu Wareejineysa Dekadaha...

XOG: Itoobiya oo si Qarsoodi ah Imaaraadka & Sacuudiga ugu Wareejineysa Dekadaha Somalia

0
SHARE

Warar hoose oo ay heleyso Wakaalada Warqaad.com ayaa sheegaya in Dowlada Itoobiya ay si hoose ula shaqeyneyso Imaaraadka Carabta, iyadoo qeyb ka siineysa dhismaha iyo Maalgalinta Mashaariicda Afarta dekadood uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo.

Itoobiya ayaa qaadatay Mashruucaan dib loogu dhisayo Dekadaha dalka, iyadoo Dhaqaalaha ku bxaya la kaashaneysa Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga, waxaana warar hordhac ah oo la helayo ay sheegayaan in qeybta ugu badan ay ku wareejineyso labadaas Dowladood.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa lagu wadaa inuu safar ku tago dalka Sacuudiga, isagoo arrimaha ku saabsan dalkiisa markuu kala hadlo sidoo kalena hordhigi doono in Itoobiya iyo Sacuudiga ka shaqeeyaan soo celinta Xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Sidoo kale wuxuu kala hadli doonaa sidii mashriicda lagu dhisayo dekadaha Soomaaliya ay iskaga kaashan lahaayeen Sedexdooda Dowladood.

Dowlada Soomaaliya ayaa Itoobiya u ogolaatay inay maalgaliso afar dekadood, iyadoo la og yahay in Itoobiya kaligeed aysan ku filneyn dhaqaale ahaan dhismaha afartaas dekad.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE