Home WARARKA XOG: Isku Shaandheyn Kusoo Wajahan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Muqdisho

XOG: Isku Shaandheyn Kusoo Wajahan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Muqdisho

0
SHARE

Xog hoose oo aan helnay ayaa waxay sheegayaan in guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna dua magaalada Muqdisho C/raxmaan Cismaan Yariisow uu damacsan yahay inuu isku shandheyn ku sameeyo guddoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho.

Xogta ayaa sheegeysa in qaar ka mid ah guddoomiyeyaashan ay xilkooda weyn doonaan, halka qaarna loo bedali doono degmooyin kale.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in maalmaha soo aadan ay dhici doonto isku shaandheyntan, iyadoo ay macquul tahay in xubno cusub ay kusoo laabtaan.

Guddoomiyeyaasha Gobolka Banaadir ayaan la kala bedalin tan iyo markii uu yimid Guddoomiye Yariisow.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE

LEAVE A REPLY