XOG: Farmaajo teleefoonka kula hadlay Khayre, amar culusna dul-dhigay

0

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu maanta oo Arbaco ah uu khadka telefoonka magaaladda Dhuusamareeb uu kula xiriiray ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Xogo lagu kalsoonaan karo oo laga helay xafiisyadda labadda mas’uul ayaa muujinaya in Khayre lagu amray in uu maamulka Ahlu Sunna siiyo 30 Xildhibaan oo baarlamaanks oo socda ah.

Ahlu Sunna ayaa horey u dooneysay 35 mudane, halka Villa Soomaaliya taagneyd 25, taasi oo ka dhigan in loogu daray shan, isla markaana loogu baaqay in ay dhankooda ka tanaasulaan 5-ta kale.

Hogaana ururkan ayaa lagu wadaa in ay kulan yeeshaan saacadaha soo aadan, isla markaana ay go’aan kama dambeys ah ka gaaraan yabooha ay ka helayn xukuumada federaalka ah.