XOG: Farmaajo oo R/wasaaraha Itoobiya u diray Fariin ka dhan ah Madaxweynaha Kenya

0

Warar hoose oo ay heleyso Wakaalada Warqaad.com ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu Warqad u diray Ra’iisul wasaaraha Dalka Itoobiye Abiy Axmed.

Warqadan ayuu Madaxweyne Farmaajo ugu faahfaahiyay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya dhaq dhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee Dowlada kenya ay cadaadiska ku saartay Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u gudbiyay Abi Axmed Walaac uu ka qabo Heshiisyo hore u dhex maray isaga iyo Uhuru Kenyatta oo ay ka baxday Dowlada Kenya, iyadoo taas ay abuuri karto Xiisada u dhaxeysa labada Dal oo meeshi ugu xumeyd gaarta.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u cadeeyay Ra’iisul wasaaraha Mowqifkiisa ku aadan talaabooyinka xumeynaya cilaaqaadka Kenya iyo Soomaaliya oo Maamulka Uhuru ay qaadeen, wuxuuna u sheegay in Wada hadal ay diyaar u yihiin iyo in labada Dal ay Iskaashi iyo Xiriir wanaagsan oo wada shaqeyn ah ku noolaadaan.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa la filayaa inuu Madaxweynaha Soomaaliya kaga soo jawaabo Fariintan, iyadoo markii ay Kenya u wacday Safiirkeeda oo ay joojisay Xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya uu sidan oo kale Madaxweyne Farmaajo Warqad ugu qoray Abiy oo arrinta wada hadal ku dhameeyay.

Madaxweynaha Dalka Kenya ayaa doonaya in Soomaaliya iyo Kenya ay ka wada hadlaan Muranka badda ee u dhaxeeya Labada Dal hadii aysan sidaas dhicin in Xiriirka Labada Dal uusan dhinac u dhaceyn inta Maxkamada ICJ ay kasoo saareyso Go’aanka laga sugayo.