XOG: Farmaajo Oo Naftiisa Halis u Geliyey Badbaadada Shacabkiisa!

0

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta waxa uu sameeyey arrin aad u halis ah, isaga oo ka duulaya badqabka dadkiisa oo maalmahan dambe u dhamaanaya COVID-19.

Talaalka AstraZeneca oo ah mid dalal badan iska diideen kadib markii la sheegay in xaalad halis ah uu keeni karo, islamarkaana shalay la geeyey magaalada Muqdisho, ayuu Farmaajo qaatay go’aan ay adag tahay in siyaasi isaga oo kale ah uu qaato.

Waxa uu qaatay talaalkaasi AstraZeneca, kaas oo shalay illaa maanta baraha bulshada lagu hadal hayey in la doonayo in shacabka lagu dhibaateeyo.

Madaxweynaha ayaa amray hay’adaha caafimaadka in isaga uu noqdo shaqsiga ugu horreeya ee la talaali doono, waxaana ku xigtay wasiirka caafimaadka oo iyana talaalka qaadatay.

Farmaajo oo ka duulaya baqdinta iyo wararka beenta ah ee laga faafiyey talaalkaasi ayaa naftiisa u huray dadkiisa si isaga marka hore loo arko xaaladiisa haddii ay wax iska bedesho iyo in kale, kadibna talaalka lagu baahiyo bulshada.