XOG: Farmaajo Oo Lacag ku bixinaya Sidii Janan Xil uu isku difaaco Uheli Lahaa

0

Warbaahinta Warqaad ayaa heshay xog ah in Madaxweyne farmaajo uu uballan qaaday C/rashiid Janan sidii Lacag looga bixin lahaa taas oo lagu bari yeelayo dembiyada loo heysto.

Wasiirkii Hore Ee Amniga Jubbaland Janan ayaa la sheegay in gal dacwadeedkii ka furnaa Dawlada Maxkamadaheeda la xiray.

Fal celin badan ayaa ka timid in Kiiskii Loo heystay C/rashiid Janan lasoo geba gabeeyo ay dano gaar ah Villadu ka leedahay.

Inuu ushaqeeyo oo sida ay rabto Dawlada dhexe ka hesho Janan ayaa lacag badan lasiin doonaa Qoysaska dadkii lagu eedeeyey inuu dhibaateeyey.

Xogtaan oo si hoose Warqaad ku heshay ayaa muujineysa in dhaqaalaha uu bixin doono Madaxweynaha Muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

C/rashiid C/nuur Janan ayaa Xildhibaan inuu noqdo loo qorsheeyey si hadii uu hay’adaha xuquuqda Aadanaha Qaabilsan culeys saaraan iskaga difaaco Xasaanada uu helayo.

Beesha uu ka dhashay Janan ayaa odayaasha la war geliyey in Xildhibaano udoortaan,waa Baarlamaanka soo socda maadaama kan hadda wakhtiga ka dhamaaday.

Waxa uu dhawaan safar u aadi doonaa Dalka Turkiga,iyadoo Heshiiska dhexmaray Kol hore Dawlada iyo Janan hadda umuuqdo mid loo dhaqan gelinayo sidii loo qorsheeyey.

Saacado ka hor waxaa la arkay Qoraalo Maxkamada Gobolka Banaadir iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka ay ku laaleen dacwadii loo heystay.