Xog: Fahad Yaasin oo ergo u soo dirsaday RW Roble iyo ujeedka uu ka leeyahay

0

Warar la xaqiiyey ayaa sheegaya in RW Roble u qorshaynayo inuu sameeyo isku shaandhayn masuuliyiinta ku magacaaban dhanka Amniga.

Fahad Yasin ayaa la xaqiijiyey in habeen hore uu ergo u soo dirsaday RW Roble isagoo doonaya in aan xilka laga qaadin kadib markii Fahad uu ogaaday qorshaha RW oo ah isku shaandhayn qaybaha Amniga.

Fahad ayaa la sheegay inuu ergadaasi faray inuusan garanayn meel uu aado haddii xilka laga qaado, weli ma cadda in uu aqbalay RW Roble codsiga Fahad Yasin.

Qorshaha isku shaandhaynta Amniga ee RW Roble ayaa la sheegay inay seefta Maria doonto Wasoorka Amniga Xundubeey, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhanka amniga Cali Yare Cali iyo saraakiil kale.

Fahad Yaasiin ayaa wajahaya eedeymo culus sida inuu xiriir dhaw la leeyahay Al shabaab iyo inuu amray weerarka siyaasiyiinta culus ee ka soo hor jeeda.

Dhanka kale waxaa Fahad Yaasiin lagu heystaa gudbinta siraha qaranka Soomaaliyeed iyo inuu ciidamada siyaasad u adeegsaday,

Muqdisho-Somalia