XOG: Faarax C/qaadir Oo Awoodiisii usoo laabatay & Isku shaandheyn Culus

0

Xog hoose oo ay heleyso Warqaad ayaa sheegeysa in dhawaan la sameyn doono isku shaandheyn Golaha Wasiirada Soomaaliya ah iyo Mas’uuliyiinta Aqalka Villa Soomaaliya.

Faarax Sheekh C/qaadir ayaa la ogaaday inuu dib uhelay awoodiisii ka ag dhawaanshiyaha Madaxweynaha Qaranka kadib Abshir Bukhaari oo xaalado caafimaad u tegay Ingiriiska dhawaan iyadoo malkiilaha Dawladda uu dib ugu fadhiistay Wasiir Faarax.

Hadaba waxaa helnay Macluumaad hoose ayaa tilmaameysa in Wasiirka Arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi laga yaabo in laga wareejiyo xilka wasaaradda uu ku magacaaban yahay iyadoo boos kale la qorsheenayo in la geeyo.

Wasiirka Arrimaha dibada Abshir Cumar Haruse ayaa isna saameyn ku yeelan doontaa isku shaandheynta la sameyn doono saacadaha soo socda.

Xubno xilal ka haya Madaxtooyada Qaranka ayaa iyaguna isku shaandheynta ay shaqadooda saameyn doontaa,oo qeybtood laga wareejin doonaa xilalka ay hayaan ee agaasimayaasha iyo Xogheynta intuba.

Wasiirka Gaashaandhiga C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa isaguna laga yaabaa inuu waayo xilka Wasiirka difaaca uu ku magacaaban yahay.

Faarax Sheekh C/qaadir Wasiirka Waxbarashada ayaa boos kale loo weecin doonaa,sida la filayo,waxaana macquul ah in Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaare Xamse ay ka tashadeen arintaasi.