XOG: Doorashada Madaxweynaha Jubbaland Oo Xilligeeda Laga Soo Hormarinayo

0

Wararka ugu dambeeya ee naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo Ayaa waxay sheegayaan in isbadel ku yimid Xilliga la qabanayo Doorashada Madaxweynaha Cusub Ee Jubbaland.

Tani waxay ka dambeysay markii qorsheyaal cusub uu dejiyey Axmed Madoobe,taas oo ka dhigan in doorashada inuu kusoo baxo kadibna wada hadal ay dawlada Sidaas gor gortan ah la gasho sida uu sameeyey 2015-kii.

Buuqa Siyaasadeed Ee ka jira Kismaayo ayaa sii xoogeystay Xilli Murashaxiinta isbadel doonka Jubbaland ay dhankooda dhaq dhaqaaqyo culus sameenayaan.

Sida qorshaha uu ahaa Doorashada Madaxweynaha ayaa la filayey inay dhacdo 24 ilaa 31 Bishaan Augusto balse waxa la sheegay in hadda ay dhaceyso 19 Bishaan.

Isbuuca dambe Isniinta ayey ku aadan tahay Xilliga la qabanayo doorashada Madaxweynaha Cusub Ee Jubbaland,iyadoo laga sugayo War sugan oo Arintaan ah iyo waxa sababay Gudiga Doorashada iyo Xuduudaha Jubbaland.

Kismaayo ayaa hadda waxay wajaheysaa Marxaladihii ugu adkaa Ee dhanka siyaasada,iyadoo dadku xasuusanayaan xilligii la unkayey Jubbaland State.