XOG: DFS Oo Duulaan Ku Ah Jubbaland

0

Xog aan helnay ayaa sheegaysay in dowladda federaalka ay dooneyso iney weerar ku qaaddo ciidmad Jubbaland, kuwa ku sugan nawaaxiga xadka B/xaawe ee dhanka Kenya iyo sidoo kale kuwa ku sugan J/hoose.

Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya in weerar la qaado inta Axmed Madoobe uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho, waxaana ulajeedka uu yahay in Axmed Madoobe laga careysiiyo si doorashada ay dib ugu dhacdo.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa doonaya inta shirka Muqdisho uga socdo madaxda DFS iyo dowlad goboleedyada in dagaalka Gedo lasoo gabagabeeyo, lana soo qabto ciidanka Jubbaland ee halkaasi ku sugan.

Maalmihii laso dhaafay waxay DFS u dirtay Gedo ciidamo gaar ah iyo sidoo kale gaadiid dagaal, iyadoo kuwo kale oo sidan ah ay ku sugnaayeen gobolkaasi.