XOG DEG DEG AH: Farmaajo & Kheyre oo Go’aan Culus kasoo saaraya Dagaalka ay ku heyso Kenya

0

Warar hoose oo ay heleyso Wakaalada Warqaad.com ayaa sheegaya in Madaxda Soomaaliya ay kulan deg deg ah ka yeelanayaan dhaq dhaqaaqyadii ugu dambeeyay ay Dowlada Kenya cadaadis ku saareysay Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Lataliyaasha Madaxda Dalka ee arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa la filayaa inay kulan xasaasi ka yeeshaan Wasiiro iyo Xildhibaano lagu xayiray Garoonka Diyaaradaha Kenya, iyadoo ay kasii horeysay Go’aankii Kenya ku joojisay Duulimaadka Tooska ee Muqdisho iyo Nairobi.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku sheegtay inay arrimo siyaasadeed ku hoos jiraan Hakinta Duulimaadka tooska ee Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo la filan karo in go’aan oo culus ay Madaxda Dalka kasoo saaraan Culeyska siyaasadeed ee Kenya saareyso Soomaaliya.

Waaxda Socdaalka Kenya ayaa la sheegay inay joojisay Visihii dal ku galka ahaa ee Wasiirada iyo Xildhibaanada loogu dhufan jiray garoomada diyaaradaha Kenya, waxaana tallaabadan qeyb ka tahay cadaadis siyaasadeed oo dowladda Kenya ku saareyso dowladda Soomaaliya, gaar ahaan muranka labada dal u dhaxeysa ee dhinaca Badda oo ay dacwadeeda taalo Maxkamadda Hague.

Kenya ayaa horraan ku doooday in dacwaddan ay ka baxsantahay xeer xayndaabka maxkamadda, arrintaasi oo ay maxkmaddu ku gacan seyrtay, kana dalbatay Kenya inay jawaab ka bixiso eedeymaha ay Soomaaliya soo gudbisay.

Maxkamadda cadaaladda ee caalamiga ah ayaa ilaa iyo imika aanan go’aan ka gaarin muranka badda labada wadan, balse Kenya ayaa dhowr jeer sheegtay in muranka badda ay tahay in labada dal ay qaab wadahadal ku xalliyaan muranka badda.