XOG: Dani Iyo Madoobe Oo Qorshe Cusub Damacsan

0

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbland ayaa doonaya iney la yimaadaan shuruudo cusub si dalka ay uga hirgasho doorasho waqtigeeda ku dhacda.

Ilo wreedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madoobe uu doonayo marnaba in aanu ka laaban go’aankiisii, sidoo kalena uu ka noqdo qorshihii uu markii hore ku aqbalay in Farmaajo la siiyo shaqsi uu wato guddomiyaha Gedo.

Axmed Madoobe ayaa ku adkeysan doona in lagu soo wareejiyo Gedo, sidoo kalen ciidamada DFS halkaasi laga soo saaro.

Dhanka kale, Dani ayaa isna wata qorshaha ay in Farmaajo awoodda madxaweyne laga yareeyo, islamarkaana laga saxiixo warqad arrintaasi ku saabsan.

Qorshahan waxaa gadaal ka riixaya xubnaha mucaaradka oo uu ugu horreeyo Xasan Cali Kheyre.

WARQAAD MEDIA
MUQDISHO, SOMALIA