Xog cusub oo laga helay wiil Soomaali ah oo Turkiga lagu dilay

0

Wiil Soomaali ah oo dalka Turkiga si xun loogu dilay iyo Safaaradda Soomaaliya oo ka hadashay:

Dalka Turkiga gaar ahaan magaalada Izmir waxaa lagu dilay wiil Soomaali ah oo kasoo jeeda magaalada Burco kaasi oo magaciisa la odhan jiray Saddaam Cali Jaamac.

Muuqaal laga soo duubey Maydka wiilka oo Baraha Bulshada ku faafay ayaa muujinaya dhaawacyo badan iyo qalliin dheer oo lagu sameeyay, iyadoo ehelladiisa qaar oo aan la hadlay ay sheegeen in ay dileen Booliska Turkigu, kadibna geeridiisa kadib xubnaha mihiimka ah lagala baxay.

Balse Booliska Turkiga ayaa ku dooday in wiilka ay Koronto ku dhegtay xilli uu ka baxsanayay saldhig uu ku xidhnaa, sida ay sheegeen, kadibna uu geeriyooday, wallow qalliinka lagu sameeyay jidhkiisu uu tuhun badan keenay.

Geesta kale, Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga Amb. Jaamac Cabdillaahi Caydiid  ayaa sheegay in ay ku hawlan yihiin sidii dawladda Turkiga ay ugala xaajoon lahaayeen kiiska muwaadinkan Soomaaliyeed, isagoo intaasi ku daray in ay arrintan ka wada xidhiidheen ehellada wiilkan la dilay.