Home WARARKA Xog cusub oo laga helay safarka C.C.Shakuur uu dalka kaga ambabaxay &...

Xog cusub oo laga helay safarka C.C.Shakuur uu dalka kaga ambabaxay & Dowladd shisheeye oo u yeertay

2
SHARE

Iyadoo dalka uu ka dhoofay Mucaaradkii ugu weynaa ee Dowladda Soomaaliya C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa hadana waxay warar kala duwan ka soo baxayaan qorshihiisa safarka dibada ah.

C/raxmaan C/shakuur oo ka dhoofay Garoonka diyaaradaha ayaa lugtiisa ugu horeysa ee safarka sii maraya dalka Kenya gaar ahaan magaalada NAIROBI halkaasi uu kula kulmayo Wakiilo ka tirsan Beesha caalamka oo uu kala hadlayo xaaladda Soomaaliya iyo marxladihii kala duwanaa uu soo maray.

Illo ku dhow C/raxmaan C/shakuur ayaa inoo sheegay Siyaasiga inuu u sii gudbayo dalka Britain caasimadiisa London oo uu dhalashadeeda sito.

Wararka qaar ayaa sheegaya in C/raxmaan C/shakuur markii hore ay u yeertay Dowladda Britain halkaasi oo uu kulmayo madax ka tirsan Dowladdaasi,waxaana xog ku helnay in Britain qeyb ka ahayd waan waantii Dowladda lagula jiray ee ahaa in Siyaasiga weyn xayiraada dhanka safarka ah laga qaado.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa laga qaaday xayiraadii ka saarneyd dhaka safarada, kaddib markii horay Xeer Ilaalinta ay ku soo oogtay dambi qiyaano qaran iyo inqilaab, iyadoo 17-kii bishii December ciidamo ka tirsan Nabadsugida ay weerareen gurigiisa.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa boggiisa rasmiga ee Facebook soo geliyay, sawir uu ku muujinayo inuu ku sugnaa ay garoonka diyaaradaha Muqdisho, isla markaana safar u yahay dalka deriska ah ee Kenya.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa horay u sii deysay, kaddib markii dambi ku weysay, kaddib markii Xeer ilaalinta ay keeni weyday caddeymo ku aadan dambiyadii ay ku soo oogtay, waxaana markii dambe Xeer Ilaalinta ka qaadatay racfaan.

Siyaasigan ayaa 17-kii bishii December ee sanadkii hore gurigiisa ay ku weerareen Ciidamo ka tirsan NISA, waxaa weerarkaas lagu dilay shan ka mid ah Ilaaladiisa, isagana waa lagu soo xiray, waxaa uu xabsiga ku jiray dhowr cisho, inkastoo markii dambe ay sii deysay Maxkamadda Racfaanka.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE

2 COMMENTS

  1. Waan ka Cumar hay in aad
    Siyaasi ku tilmaantaan ninkii
    Sixiixay badeena in ay qaadayo
    Kenya mida kale ina Cabdi shakuur
    Waa nin aan lagu Aamini karin
    Citaa tuulo dalka ka mid ah ee
    Ogaada

  2. Ninkaan markaan arko Waxaan so xusuus taa BADDI Soomaliyeed.
    Waxaanse aad iyo aad ula YAABAY markii aan Arkey ODAYAAL qabiilkiisa ah oo dhahaya MADAXWEYNE
    ayaan u rabnaa SOOMALIYEED
    Saxiibkiis ku dar INI Abdirishid iyo Kuwa u doortey Aqalka Sare
    Eeno MURAAYAD isku fiirino.
    Fiiri Waqooyi,Konfur,Galbeyd waxay so doorteyn dadka intii u xumeed
    Waan qabaa Kuwa dhaqanka ayaa dadka ugu daran uguna XUN
    Bal hadee damir leyihiin may dad wanaagsan so doortan

LEAVE A REPLY