Home WARARKA XOG: Maxay Xubnaha Aqalka sare Kiiska Dp World uga doorbideen iney ka...

XOG: Maxay Xubnaha Aqalka sare Kiiska Dp World uga doorbideen iney ka hormariyaan weerarkii C/Qeybdiid?

0
SHARE

Xildhibaanada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo qeybiyay Xeerkii ay shalay soo meelmariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ku aadana in dalka laga mamnuucay Shirkadda DP World.

Xildhibaanada ayaa maanta aysan u suurtagelin in ay ka doodaan Xeerka Shirkadda DP World ,maadaama ay ka hadleen Weerarkii lagu qaaday Guriga Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Guddoonka Aqalka Sare ayaa warbaahinta u sheegay in maalinta Berri ah laga hadli doono kiiska Shirkadda DP World.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sharci daro ku tilmaamay dhammaan heshiisyadii ay shirkadda DP World ay ka sameysay Soomaaliya,Waxaana ay sheegeen in guud ahaan laga mamnuucay Soomaaliya.

Maalinta berito ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 14ka bisha Maarso ayay Xildhibaanada AQalka sare si aad ah uga doodi doonaan heshiiskii ber bera ay wada galeen Somaliland,Shirkadda Dp World iyo Dowladda Itoobiya.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE