Xog cusub: Askarta qaab beeleed looga daabulay gudaha Muqdisho

0

Labo diyaaradood oo siday ciidamo iyo saanad Militeri ayaa galabta waxay ka dageen caasimada Galmudug Ee  magaalada Dhuusa mareeb.

Askartaan oo ah kuwo xoojin ah ayaa qeyb ka noqon doono xoreynta deegaannada ka maqan gacanta maamulka Galmudug Ee gobollada Mudug iyo Gal gaduud.

Ciidamadaan oo boqolaal askari ah ayaa ku biiraya ciidamo labadii cisho ee lasoo dhaafay ka dagayey caasimadda Galmudug, kuwaas oo ay beel ka mid ah kuwa degga gal gaduud ugu tala gashay xoreynta deeganadooda oo ay muddo 15 sano ku dhow heystaan kooxda Al Shabaab.

Beesha duduble ayaa waxay sheegtay inay markaan doorkooda qaadanyaaan,waxaana ciidanka galab dhicii laga daabulay Muqdisho ay ahaayeen askarta ku abtirsata beeshaasi oo doonaya inay ka xoreeyaan al shabaab deegaanada ay ka joogaan bariga gobolka gal gaduud.

Waxaa si xowli ah u socdo gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al Shabaab oo ay wadaan beelaha daga deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle, xilli iyaguna duulaan  qaadaan maamulada KGS iyo Jubbaland, waxaana meesha ka marneen garabka dowladda iyo maamulada, kuwaas oo isla gartay in laga faa’ideysto kacdoonka shacabka.