Home WARARKA XOG CULUS: Ololaha Is Xilqaan & Caqabado Waa weyn Oo Hor Istaagi...

XOG CULUS: Ololaha Is Xilqaan & Caqabado Waa weyn Oo Hor Istaagi Kara

0
SHARE

Rag tashaday Cir Waa toil karaa ayey Soomaalidu tidhaahdaa,waxa uga goleeyahay ararta Warbixin aan kusoo beeqaamineyno Ololaha Is Xilqaan Ee Dawlada Ku dhawaaqday.

Is Xilqaan hadii dhab loo wajaho oo la taageero waa mid guuleysan kara,waxaase muhiim Ah dhowr Arin laga fekiro.

Waa mida 1aad in la adkeeyo Amniga,waayo waxa jira Beegsi lagu sameyn karo Dhalinyarada Ololahaan ka qeyb qaadanaya.

Mas’uuliyiinta Dawlada Ee Barnaamijkaan shaaca ka dhigay Qabashadiisana Soomaalida looga fadhiyo waxa muhiim u ah inay Qalbi Xaarnimo Uwajahdo Shacabka.

Dhex gelka Shacabka Ee Dawlada taageero badan ayey ku heli kartaa,balse Amniga waxa uu yahay Ubucda ugu weyn Ee Tabar darida hadda ka jirto.

Is Xilqaan Macnaheeda Waa Is Caawinaad,Xoog,Xirfad iyo Xikmad Keen,waana fikrad dhaqan gelin karta Dalkii Bur buray inuu dhismo.

Madaxda Dalka waxay ku dedaalayaan inay Soomaaliya ka dhigaan meel kasoo kabata Boogta Damqaneysana daweeyaan,hase ahaatee dul duleelada jira weli ma oodna.

Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Kheyre waxay dhowr madal ka sheegeen in Is Xilqaan yahay isku tashi Dadka Soomaaliyeed inay wax qabsadaan ah oo Gar weynta iyo Yaambada ay La deris noqdaan.

Meelaha Dawladu ay ku bilowday Ololahaan waxa ka mid ah Tuulada Ciyaaraha Muqdisho oo dhawaan ay ka guureen Ciidanka AMISOM 7 Sano kadib halkaasi ay degganaayeen.

Xiiso iyo Xumbaba waa dhacaan Dawladu yeysan Afkii sheegay ma dhaafe ku noqon Ololahaan oo haka dhabeyso fulintiisa,oo sida ay iclaamiyeen inay ka qeyb noqonayaan Khamiis walbo ay wakhtigooda siiyaan is garab taaga dadka U hiilan Barnaamijka Is Xilqaan.

Wakhtigii Dawladii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre Allaha unaxariistee waxaa Dalka meelo badan lagu dhisay iskaa wax uqabso oo Xoog iyo Xeelad la isku biiriyey meelo ilaa hadda taagan la dhisay.

Dalka Rwanda,waxa uu Astaan u yahay Dalalka Sida Soomaaliya Colaaduhu la deggeen,Caasimada Kigali waa Magaalada ugu Nadaafada Badan Africa,ugu bilicsan,ugu korista badneyd Sanadihii dambe,Shacabkeeda iyo madaxdeeda waa mid waxaana ay ka fekireen inay Dalkooda ka bixiyaan Xaalkii xumaa.

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa iska ilaaway Qabiilkiisa dhibkii gaaray 1994-kii xilligaas oo Qabiilada Huutuuga iyo Tuutsiga is gaareen Kumanaan iyo Kumanaana iska dileen.

Cashar fiican ayuu Qabiilkiisa siiyey xilligaas oo ay Aar gudasho usocdeen,waxa uu weydiiyey inay Labo kala doortaan,inay dadkoodii oo dhintay udilaan Dad kale,iyo inay Cafiyaan oo dalka lawada dhiso.

Qabiilka Madaxweyne Kagame ayaa Cafis sameeyey waana mida ugogol xaartay inuu astaan u noqdo lagu daydo waddamada Kale Rwanda.

Hadaba waxa tusaalaha aan usoo qaadanay ayaa aheyd inaan dhiiri gelino Shacabkeena Soomaaliyeed ku tartansiino dib udhiska Dalka,Dawladana laga rabo inay si xaq iyo xalaal ah dadkeeda ugarab istaagto Ilkaaniyaat-ka laga rabo.

Ugu dambeyn ahmiyada waa amniga,Dawlada Istaraatiijiyadeeda Amniga haku dedaasho in waddanka la dhiso oo la taageero haday rabto,sida ay dadka Khubarada Amniga ah ay Ku talinayaan.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE