XOG CULUS: Farmaajo oo wasiirkiisa dibadda u adeegsanaya P/land iyo J/land

0

Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya ayaa joogteysay eedeymo ay u jeedineyso maamulada Puntland iyo Jubaland iyadda oo fulineysa qorshaha dib u doorashadda madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War qoraal ah oo xalay kasoo baxay Wasaaraddan uu wasiirka ka yahay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa lagu sheegay in Puntland iyo Jubaland ay caqabad ku yihiin fulinta heshiiskii 17-kii September isla markaana aysan kasoo jawaabin shirkii uu Farmaajo iclaamiyey markii muddo xileedkiisa uu dhamaadey.

Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa u muuqda mid wasiirkiisa arrimaha dibadda Maxamed Cabdirisaaq u adeegsanaya hurinta khilaafka doorashada iyo midka sida gaarka ah kala dhaxeeya isaga iyo maamullada Puntland iyo Jubbaland.

Arrintani ayaa saamayn gaar ah leh, maadaama wasiirka uu hab qeybsiga awoodda dalka uu xukuumadda FS ku matalo Puntland, oo degaan doorashadiisu tahay Gaalkacyo.

Puntland iyo Jubaland oo ay wehliyaan Aqalka Sare iyo Musharaxiinta madaxtinimadda ayaa mowqifkooda wuxuu yahay in ay wadahadal lagu dhameeyo qodobadda wali lagu muransan-yahay ee doorashooyinka.

Dhanka kale, bayaanka wasaaradda ayaa ku eedeeyay musharaxiinta mucaaradka in ay dhabo sharci darro ah iyo mudaaharaad hubeysan ka dhigeen banaanbax nabadeed, arrintaas oo ay ku tilmaamtay “mid aan marnaba la aqbali karin”.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dalal shisheeye oo aysan carabaabin waxay uga digtay “in ay war-saxaafadeeydo marin-habaabin ah” soo saaraan “kuwaasoo u muuqda in ay ku taageerayaan kacdoonka hubeysan”.

Shalay, dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa qoraallo ka soo baxay looga hadlay xaaladda cakiran ee dalka.