XOG CULUS: Agaasime Fahad yaasiin & Mas’uuliyiin kale Oo Dhalashada Lagala Noqonayo

0

Dawlada Soomaaliya ayaa hadda waxay la kulmeysaa Cadaadiskii ugu weynaa taas oo ka dhigan in wax badan ay ubaahan tahay in wax laga qabto.

Wararka waxay sheegayaan in Dawlada Dhexe ay hadda ku fududaan weysay inay Jawaab siiso Kenya oo kordhisey Xaniinyo Qabashada ay ku heyso Madaxda Soomaalida.

Kenya ayaa Shalay oo Talaado aheyd kasoo celisey garoonkeeda Jomo Kenyatta Mas’uuliyiin Xildhibaano iyo Wasiiro katirsan Dawlada Soomaaliya markii ay udiiday in dal ku gal la’aan Waddankeeda galaan.

Hadda waxa soo baxaya in Mas’uuliyiin katirsan Dawlada Soomaaliya oo baasaboorka Kenya heysta ay ubadan tahay in lagala noqdo Dacwadna laga furo.

Waxa ka mid ah mas’uuliyiintaas Agaasime Kuxigeenka Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo Wargeys kenyaan ah hore usoo bandhigay in Baasaboorka iyo warqada Dhalashada Kenya uu heysto.

Tani hadii ay suurtowdo waxay sii kordhin kartaa Xiriirka Diblomaasiyada ku saleysan Ee Sii xumaanaya Ee udhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Ma cada sida ay xaaladu noqon doonto,xilli cabsidii ugu xoogga badneyd ay soo food saartay Soomaalida hantida ku heysata Magaalada Nairobi Ee dalka Kenya.