XOG: Cali daahir ciid & Maxamuud sayid aadan oo kala taageeray labo murashax

0

Madaxweyne kuxigeenka Dawlad gobolleedka Galmudug Mudane Cali Dahir Ciid ayaa maanta la kulmay Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Maamul gobolleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan.

Labada Mas’uul waxay ka wada hadleen iskaashiga labada Dowlad Goboleed iyo arimaha Doorashooyinka Madaxweynaha J.F.S ee dhacaysa 15 May.

Kulanka oo ahaa mid beeleed maadaama ay isku heyb kasoo jeedaan labada mas’uul hadana waxa meesha ka marneyn siyaasada iyo ololaha doorashada madaxweynaha soomaaliya.

Murashax madaxweyne ayey kala wataan labada mas’uul balse waxaa socda wada tashiyo iyo qaabkii deni murashaxnimada loogu wada taageeri lahaa.