XOG: Beesha Caalamka Oo Awood u Adeegsanaysa Siyaasiyiinta Soomaalida

0

Markii bryo ay ku daashay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay dantu keentay in awood loo adeegsado, walibana beesha caalamka u adeegsadaan, taasi oo dalka iyo dadka fadeexad weyn ku ah.

Xogta ayaa sheegeysa in beesha caalamka ay si kulul ula hadleen musharraxiinta mucaaradka, kuwaas oo durba bilaabay iney kala dhuuntaan, walibana dhexdoodda bilaabaan iney isku soo jeestaan.

Waxaa loo sheegay mucaaradka in haddii aanay markaan ka shahqeyn dowladnimada in la ciqaabi doono.

Waxyaabaha loogu hanjabay waxaa ka mid ah, in kuwa haysta baasaboorada shisheeye lagala noqanayo, xayiraad dhanka socdaalka ah, laga xirayo Bankiyada ay ku leeyihiin caalamka iyo qodobo kale.

Waxaa fadeexad ah in siyaasiyiintii warka ka diidanaa dadka Soomaaliyeed in markaan ay ammarka ka qaataan shisheeye.

WARQAAD MEDIA
MUQDISHO, SOMALIA