Kulan ka dhacay Muqdisho oo ay ka qeyb galeen Xubno Katirsan Dawlada ayaa lagu falan qeeyey sida ugu macquulsan ee lagu xakameyn karo La bixida lacagaha Qasnada Bankiga dhexe ku jira.
Waxaa aad ubadneyd waayihii dambe in Wasiirada iyo Xubnaha kale ee Dawlada ku jira inay Safaradooda badnaayeen ee dibada ku aadayaan,Lacagtana ay ka qaadanayeen Bankiga.
Hadda waxaa dejiyey Hanaan la rabo in si casri ah Lacag la qoondeeyey loo siin lahaa Wasaarad walbo oo ay ku kaafiso adeegyada ay ubaahan tahay ayna Ka maarmi karto Lacagaha aan xadiga laheyn Ee Bankiga laga saaro.
Gudoomiye kuxigeenka Bankiga Dhexe Maryan Macalin waxay sheegtay in ay ka maamul ahaan wakhti badan siiyaan la socodka qarashaadka ka baxaya iyo kuwa soo galaya Qasnada Bankiga Dhexe.
Sidoo kale Kulankaas waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Bankiga Dhexe C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in Qorshaha la go’aamiyey tahay Istaraatiijiyad loogu talo galay in lagu dhaqmo 2020 ilaa 2024-ta lagana guuro habkii 2019-kii lagu shaqeenayey.
Madaxda Qaranka ayaa lagu Xantaa in Dhaqaale aan tiro laheyn la baxaan xilliyada Munaasabadaha jiraan,Wafuud Caalami ah markii ay dalka yimaadaan oo ay marti soor iyo kulamo xasaasi ah jiraan,Wakhtiyada Mooshinada oo sidoo kale la sheego in Bankiga Dhexe Lacagta laga soo saaro lagu fuliyo Arimaha Markaas taagan.
Balse tan iyo markii Isbadelka uu dhacay Ee Kheyre Ka baxay Meesha waxaa aad loo adkeeyey dhaq dhaqaaqa Bankiga Dhexe oo xitaa Wasiirada iyo Xubnaha Xilalka Sare Haya laga hor istaagay in ay lacago la bixi karaan.