XOG: Axmed Madoobe Oo Siriqda Villa Soomaaliya Kusoo dhacay & Qorshaha Socda

0

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa hadda waxa uu wajahayaa culeyskii ugu badnaa oo kaga yimid Dhanka Dawlada Soomaaliya.

Dawlada federaalka ayaa markii ay kasoo dhamaato si toos ah Duulaanka Doorashada Jubbaland qaadi doonta.

Inkastoo haddaba ay bilaabatay Qorshaha Cusub Ee Villa Somalia oo ay Saraakiisha Saaxiibada Siyaasadeed Ee Axmed Madoobe oo Dawlada ay kala dhantaal ku bilowday.

Imaanshiyaha Muqdisho Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Janan waxay ka micno tahay in la tijaabiyey sida Axmed Maxamed Islaam uu awood ahaan usii wadi karo hadii la xaniinyo qabto.

Wasiir Janan waxa uu ahaa gacan yaraha Axmed Madoobe,iyadoo lasoo tebiyey in safar aan la shaacin lagu arkay isagoo kusugan Muqdisho oo Xarunta Nabad Sugida La dejiyey.

Madaxweyne Farmaajo ayey isku beel kasoo wada jeedaan Wasiir C/rashiid Xasan Cabdinuur (Janan) waaana mid sahal ka dhigi karta inuu isku loogo dhanka Dawlada Federaalka.

Ilo madax banaan Madaxtooyada Kismaayo waxay sheegeen in guux badan uu abuuray Janan iyo Safarkiisa Muqdisho oo ay Kuwa Ku dhaw Axmed Madoobe ay laab lakac dareemeen.

Murashaxiinta Madaxtinimada Jubbaland ayuu Talaadadii la shiray Wasiir Janan,kadibna Arbacadii shalay ayuu Muqdisho yimid,maxaa kulmiyey Arimahaas ayaa Calaamad su’aal la saaray?

Dawlada Dhexe waxaa ka go’an inay hor istaagto Axmed Madoobe si uusan markii seddexaad uu Jubbaland hogaamiyo,sida uu isaga rabo.