XOG: Axmed Madoobe oo shuruud adag ku xiray inuu xabsiga ka sii daayo rag isbedel-doon ah

0

Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lagu soo waramayaa inuu xabsiga dhigay siyaasiyiin iyo Odayaal ka fikir duwan kuwaasi oo qeyb ka ahaa ololaha isbedel doonka ee ka socday deegaanada Jubbaland.

Dadkan oo ku xiran amarka Axmed Madoobe ayaa shuruud lagu xiray sii deyntooda sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah Ehaladooda oo inala soo xiriiray.

Qaar ka mid ah Ehalada siyaasiyiinta iyo Waxgaradka u xiran Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu fashilmay isku day dhowr ah oo ay ku doonayaan in Axmed Madoobe kaga dhaadhiciyo in ragaasi lagu sii daayo,balse shuruud adag uu hordhigay.

” Haddii aan dooneysaan inaan sii daayo raggaasi,waa iney marka hore ka tanaasulaan qorshahooda isbedel doonka,islamarkaana aqbalaan nidaamka hadda Jubbaland ka jira,inta ka horeysa waxaan isugu nimaano waa qalad,” ayuu ku yiri Axmed Madoobe.

Xaalka Kismaayo ayaa maalmihii dambe wanaagsaneyn waxaana buux dhaafiyay Ciidamo hab beeleed u abaabulan oo kala taabacsan dhinacyada isku haya Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa si buuxda ugu qanacsan inoo yahay madaxweynaha saxda ah ee Jubbaland,inkastoo ay jiraan rag kale oo siyaasiyiin ah oo iyaguna sheeganayaan madaxtinimada Jubbaland,balse dhammaantooda ma aqoonsana Dowladda Federaalka iyo Beesha caalamka.