XOG: Al-shabaab Oo Qorshe Halis Ah La Damacsan Muqdisho

0

Xog hoose oo goor dhow soo gaartay Warqaad Medi ayaa waxay sheegaysaa in Kooxda Al-shabaab ay doonayaan iney magaalada Muqdisho ka fuliyeen weeraro toos ah iyo qaraxyo ismiidaamin ah.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Muqdisho ay soo geliyeen 4 gaari oo qaraxyo wada, kuwaasi oo la doonayo in lagu weeraro Hoteello iyo xarumo dowladeed oo ku yaalla Muqdisho.

Sida xogta aan ku ogaanay weeraradan ayaa ka dhici doona inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka, Zoobe, Garoonka Aadan Cadde iyo nawaaxiga dekadda Muqdisho.

Hay’adaha ammaanka dowladda ayaa feejignaan xooggan ku jira, kuwaasi oo isku dayay iney ka hortagaan weeraradaasi.

Al-shabaab ayaa ka faa’ideysanaya siyaadaha cakiran ee xilligan ka taagan magaalada Muqdisho.

WARQAAD MEDIA
MUQDISHO, SOMALIA