Ma mucaarad mise muxaafad Xildhibaanadii Aqalka Saree ee maanta lagu doortay Kismaayo?

0

Waxaa maanta magaalada Kismaayo lagu doortay Xildhibaanadii ugu horeeyay ee kamid noqon doona baarlamaanka Labaad ee Aqalka Saree e Soomaaliya kadib doorasho ka dhacday Kismaayo.

Labada Senator ee ugu saameynta badan ee lagu doortay ayaa kala ah Senator Iftin Xasan Baasto iyo Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag kuwaa oo katirsan Xisbiga UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Labada Senator kale ee la doortay maanta kuwaa oo kala ah Abdirizak Mohamed Osman iyo Ilyas Badal Gabose ayaan katirsaneyn xisbiga UPD balse xogo aan helnay ayaa sheegaya iney yihiin mucaaradka Farmajo.

Xildhibaanada Mucaaradka sida Mahad Salaad ayaa soo dhaweeyay doorashada Xildhibaanada waxaana uu ku tilmaamay guul usoo hoyotay UPD, kadib qoraal uu ku soo qoray Facebook.

Dhanka kale Xildhibaan Fiqi ayaa isna u hambalyeeyay Xildhibaanada waxaana uu sheegay in Senetaradaas ay bilow iyo Hormuud u yihii Baarlamaanka cusub ee Soomaliya isagoo tilmaamay in Jubbaland ay ka dhawaajisay firinbigii doorashada iyo in markale aysan dib u dhicin in dalka doorasho galo.

Sidaas si lamid ah Xasan Cali Kheyre Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka ayaa isna soo dhaweyay doorahadii Aqalka Sare ee maanta ka dhacday Kismaayo waxaana uu ku aamanay Madaxweynaha Jubblanad Axmad Madoobe.

Kheyre ayaa ugu baaqay maamul goboleedyada kale ee dalka iney dalka doorasho geliyaan si looga baxo marxalada kala guurka ah ee dalka.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna soo dhaweeyay doorashadii maanta dhacday isagoo ugu baaqay iney si daacad ah qarankooda ugu adeegaan.

Dowladda Federalka Soomaliya ayaa ilaa hadda ka aamusan doorashadii ka dhacday Jubbaland taa oo u muuqata in looga awood sheegtay islamarkana mucaaradka ay ku soo baxeen.

 

Muqdisho-Somalia