Xiriirka Turkiga iyo Pakistaan waa Dhabarjabka Israel iyo Hindiya

0

Asalka saaxiibtinimada Turkiga iyo Pakistan ​​iyo iskaashi wada shaqeyntiisa waxay kasoo bilaabatay waayihii xukunkii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta, gaar ahaan qarnigii 19aad, muslimiinta qaaradda Hindiya ayaana waxay xiligaas ku taageereen Cusmaaniyiinta dhaqaale iyo siyaasad mudadii uu soday “Dagaalkii Crimea”, waxaana mudadaas aad u xoogeystay xiriirka shacabka Turkiga iyo Kan Pakistaan.

Pakistaan ayaana siweyn uga caawisay Turkiga halgankii xoreyntii iyo madaxbanaanida ee uu hogaaminayay Mustafa Kemal Ataturk, kaasoo ka dhanka ahaa xoogaggii gumeysiga reer galbeedka intii u dhaxeysay sanadihii 1919kii ilaa 1923dii, waxayna si deeqsinimo leh ula garab taagnaayeen taageerada maadiga aheyd, taasoo dadka Pakistaaniyiinta ah u fidiyeen walaalahood Turkiga.

Dhinaca kale Turkigu wuxuu ka mid ahaa waddammadii ugu horreeyay ee aqoonsaday Pakistan ka dib aasaaskeedii sanadkii 1947dii, xiligaasoo Turkiga uu jamhuuriyad dhisan oo xor ah ahaa, wuxuuna taageeray dhammaan isku dayadii Pakistaan ee ​​ahaa sidii ay xubin uga noqon laheyd Qaramada Midoobay.

In kastoo masaafada juquraafi ahaaneed ee u dhexeysa Turkiga iyo Pakistan aad u fogtahay, haddana xiriirka labada dal ayaa si aad ah u koray intii lagu jiray labaatankii sano ee la soo dhaafay, asigoona gaaray heerka xiriirka istiraatiijiyadeed meeshii ugu sareysay.

Labada dal ayaana waxay ka simanyihiin iney qaadaan tallaabooyin sii xoojinaya xiriirkan, iyagoo xoojinaya iskaashigooda ku aadan arimo badan oo gobolka iyo caalamkaba quseeyo, waxaana intaas usii dheer iskaashigooda la xiriira arimaha milateriga, dhaqaalaha, dhaqanka, warshadaha difaaca iyo wadaagista khibradaha milatari.

Hadaba dhaq-dhaqaaqa Turkiga iyo Pakistan ​​iyo saxiixa heshiisyada iskaashi ee dhexmaraya, waxay keeneen walaac iyo cabsi joogto ah oo ay qabaan dalalka aduunka qaarkood, kuwaasoo ay ugu horreeyaan Hindiya iyo Israa’iil ..

Cabsida iyo walwalka Hindiya ayaa wuxuu salka ku haayaa, in iskaashiga ka dhexeeya warshadaha difaaca (Turkiga iyo Pakistan) uu saameyn ku yeelan doono kacdoonka ka socda Kashmir taasina ay faa’iido weyn u tahay Pakistan, sidoo kalana Hindiya ayaa ka wa-lwalsan doorka sii kordhaya ee isbahaysigaan kusii yeelanayo Afghanistan.

Dhanka Israel ayaa ka cabsi qabto in haysashada hubka nukliyeer ah ee Pakistaan caawiso Turkiga, bacdamaa heshiisyada iskaashiga warshadaha difaaca labada arintaas saameyn ku yeelan karto, Sidoo kalana Israel ayaan marnaba ku faraxsaneen in labadaan dowladood oo xulafo ah si wadajir ah isaga kaashadaan taageerida qadiyada Falastiin.

ISKAASHIGA MILATARI EE PAKISTAAN IYO TURKIGA OO SII KORDHAYA.

Kobaca warshadaha gaashaandhigga ee Turkiga waxaa si weyn looga dareemay xiriirka wadajirka ah ee iskaashiga dhanka milatari ee ka dhexeeya Turkiga iyo Pakistan, maadaama Pakistan ay noqotay mid ka mid ah suuqyada ugu muhiimsan ee loo iib geeyo hubka iyo nidaamyada difaaca ee ay soo saaraan shirkadaha Turkiga, waxayna mudadii u dhaxeysay 2016dii iyo 2019kii wadarta hubka Turkiga u dhoofiyaan Pakistan ay gaareytay in kabadan 112 Million US dollars.

Bishii Luulyo 2018dii Shirkadda Turkish Aerospace iyo Aerospace Industries (TASI) ayaa heshiis la saxiixatay Wasaaradda Difaaca Pakistan si ay uga iibiso 30 diyaaradood helikobtarro sahamin xeeladeed ah kuwaasoo noocoodu yahay T128 Atak, waxaa kaloo intaas usii dheeraa xirmo qandaraasyo ah oo loogu talagalay qalabka keydka, saadka, rasaasta iyo tababarka.

Mareykanka iyo Wadamada Reer Galbeedka ayaana khalkhal weyn ka dareemay heshiisyadaas iskaashi, ayagoona si ay u curyaamiyaan isku dayay dhankooda iney carqaladeeyaan heshiiska, waxayna qaadeen talaabo ay cunaqabateyn ku saarayaan warshadaha difaaca Turkiga, gaar ahaan waxay diideen in Turkiga ka iibiyaan matoorada diyaaradaha noocaan ah.

Marka laga soo tago diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Pakistaan laga iibiyay, sidoo kale bishii Luulyo 2018dii, xukuumada Ankara waxay ku guuleysatay hirgalinta qandaraas dhoofinta hubka oo noqday kii ugu ballaarnaa ee taariikhda warshadaha difaaca Turkiga, wuxuuna qandaraaskaas salka ku hayay in Pakistaan laga iibiyo 4 markab oo kuwa dagaalka ah.

Maraakiibtaan oo loogu talo galay in lagu qalabeeyo ciidamada badda ee Pakistan, ayaana waxay qeyb ka yihiin mashruuca weyn ee “Milgam” kaasoo Turkiga kusoo saarayo maraakiibta dagaalka.

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in laga dhiso Istanbul laba barkad maraakiibta lagu sameeyo, iyo laba kale oo laga dhiso magaalada Karachi ee Pakistan, wuxuuna ujeedka yahay sidii howsha loo dardargalin lahaa, si dhaqso ahna loo dhameyn lahaa warshadeynta maraakiibtaan dagaalka casriga ah.

Waxaana xusid mudan in mushruuca wajigiisa koowaad guul weyn laga gaaray, kadib markii Islamabad ay heshay markabkii ugu horeeyay ugu horeeya ee lagu dhisay barkada magaalada Istambul bishii May ee lasoo dhaafay.

Dhanka kale xukuumada Ankara waxay ku dhawaaqday inay soo iibsan doonto diyaaraha dagaalka ee Pakistaan sameeyaan, gaar ahaan nooca loo yaqaano Super Mushshak MFI-17, iyo saddex Gujis badda dhex makhuurta oo asigana Pakistan farsameysay.

MAXAY SALKA KU HEYSAA CABSIDA HINDIYA?

Xoojinta iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Turkiga iyo Pakistan waxay sare u qaadey wal-walka Hindiya, oo dagaal dhinacyo wajiyo badan leh kala dhaxeeyo dalka ay dariska yihiin ee Pakistan.

Maadaama Hindiya ay ka cabsi qabto in Turkigu ka iibiyo Pakistan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Bayraktar TB2, kuwaasoo si dhab ah u caddeeyey sidey halis u yihiin, kadib markii howlgalo guulo baaxad leh ka gaareen dagaalo ka dhacay Syria, Liibiya iyo Azerbaijan.

Hindiya ayaana ka walwalsan hadii diyaaradahaan galaan gacmaha Pakistan iney isbadal aan horay loo arag ku sameeyaan qaacidooyinka dagaal ee kala dhaxeeyo (Pakistaan), sidoo kalana Kashmiir ay gacmahooda ka baxdo.

Marka laga soo tago hubka iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, sanadihii la soo dhaafay Turkiga iyo Pakistan waxay goobjoog ka ahaayeen heshiisyo badan oo lagu horumarinayo iskaashiga dhinacyada militariga, kuwaas oo badankood diirada lagu saaray wadaagida khibrada dhinacyada warshadaha difaaca, mashaariicda wax soo saarka wadajirka ah ee difaaca militariga, iyo sidoo kale dhoolatus milatari oo dhanka dhulka, cirka iyo badda ah, waxaana meesha laga saari karin dhaqdhaqaaqyada ay sida wadajirka ah u sameeyaan Ciidamada Pakistaan ​​iyo ciidamada qalabka sida ee Turkiga xilliyada qaar.

Hindiya waxay sidoo kale ka baqeysaa doorka sii kordhaya ee Ankara iyo Islamabad ay ka ciyaari doonaan Afghanistan ka dib marka la dhameystiro bixitaanka ciidamada Mareykanka iyo wadamada NATO bisha Sebtember ee soo socota, iyo sidoo kale isu soo dhawaanshaha sadax geesoodka ee Turkiga, Pakistan iyo Shiinaha.

Isku soo dhawaanshahaas sadax geesoodka ah, ayaana ah qorshe ay dalalkaan wataan, kaasoo ay kaga faa’iideysan doonaan sidii loo kordhin lahaa Saamaynta ay ku leeyihiin Afgaanistaan.

Danaha ugu weyn ee ay sadaxdaan dowladood (Pakistan, China, iyo Turkey) ka leeyihiin Afganistaan ayaana ah mashruuca Wadada cusub ee isku xiri doonto Shiinaha iyo Turkiga, taasoona Afganistaan lafdhabar u noqon doonto.

Mashruucaan ayaana wuxuu khasare ku yahay Hindiya iyo Imaaraatka, halka taas badalkeedana uu sii hormarin doono xiriirka ganacsi iyo midka dhaqaale ee u dhexeyn doono Turkiga, Shiinaha iyo Pakistan, sidoo kalana wuxuu mashruucaan sii kordhin doonaa saamaynta Turkiga ee waddamada Central Asia iyo Koonfur Bari Aasiya.

MUXUU SALKA KU HAAYAA WAL-WALKA ISRAEL??

warbixin uu daabacay wargeyska “Jerusalem Post” ee Israel kasoo baxa bishii Febraayo 2021dii ayaa tilmaamay in Israa’iil ayaa sidoo kale ka walaacsantahay isbahaysiga istiraatiiji u dhexeeya Turkey iyo Pakistan, iyo cabsi laga qabo in muddo kadib Turkiga isku badalaan dowlad heysata hubka wax gumaada ee nuclear-ka, xili ay filanayaan in Pakistaan arintaas ka caawin doonto.

Sidoo kale Israel waxaa walwal kale ku haaya mashaariicda khuseeya wax soo saarka wadajirka ah ee dhanka Hubka iyo qalabka milatari ee casriga ah iyo Tiknoolijiyada horumarsan, waxayna arinkaan kala simantahay Hindiya.

Warbixinta wargeyska ayaa sidoo kale tilmaamtay in isu soo dhowaanshaha sii kordhaya uu sidoo kale u muuqdo mid uu kasoo bixi karo aag cusub oo diblomaasiyadeed, maadaama Pakistan ay taageertay hawlgallada sahminta gaaska ahaa Turkiga ka fuliyay bariga Mediterranean-ka, intaas kaliya kuma ekaanine ciidamada Pakistaan ayaa kala qayb qaadatay ciidamada badda ee Turkiga Dhoolatus Milatari oo ay ka wadeen badda Mediterranean-ka, ayagoona mar sii horeysayna taageeray hawlgallada milatari ee Turkiga ka fuliyeen waqooyiga Suuriya.

Sidoo kale walaaca Israel ayaa waxaa sii kordhinayo in labada dal ay ku socdaan hal waddo oo lagu taageerayo qadiyadda Falastiin, taas oo madax xanuun kale ku ah Israa’iil.

Intii lagu guda jiray duullaankii dhowaan ee Israa’iil ku qaaday Falastiiniyiinta Qudus iyo Gaza, wasiirrada arrimaha dibedda ee labada dal (Pakistan iyo Turkey) waxay isla garteen in qadiyadda Falastiin xaalad deg-deg ah la galiyo, ayadoona Fadhiyada UN-ka miiska loo saarayo, si Israel cadaadis daran loogu sameeyo.

Xukuumada Tel Aviv ayaana waxay si fiican uga warqabtaa in xiriirka Turkiga iyo Pakistaan ​​uu ku dhisanyahay aasaas qoto dheer oo xagga diinta (Maadaama labada dalba yihiin Islaam), sidoo kalana aanan meesha laga saari karin xiriirada dhanka dhaqanka iyo taariikhiga ah ee ka dhaxeeyo labada dal.

Waxayna Israel ogtahay aasaaskaas ku tiirsan Diinta islaamka iyo dhaqanka taariikhiga ee labada dal hadii sifiican loo adeegsado, inuu saameyn muhiim ah ku yeelan doono siyaasada Bariga Dhexe.

Dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee keenay in la saxiixo heshiis si wadajir ah u gaareen wasiirada arimaha dibada Pakistan, Turkey iyo Azerbaijan, kaasoo lagu saxiixay magaalada Islamabad 13dii bishii Janaayo 2021dii, misna lagu gorfeeyay arrimaha Kashmir, muranka Aegean-Cyprus iyo khilaafka Armenia-Azerbaijan, ayaa wuxuu sii xoojiyay walaaca ay qabto Israel, waxayna iskaashigaas cusub u arkaan inuu yahay calaamad muujineysa dhalashada hay’ad awood badan ku leh juquraafi ahaan Bariga Dhexe, Galbeedka iyo Koonfur Bari Aasiya.