Xildhibaano dacwad culus ka gudbiyay Farmaajo, digniina u diray saraakiisha uu adeegsado

0

Kulan maanta ay isugu yimaadeen Xildhibaanada Kutlada Badbaado Qaran ee labada Aqal Barlamaanka Federaalka ayaa lagu soo dhaweeyay Golaha Badbaado Qaran oo ah madal u taagan badbaadinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo qabashada doorasho xor iyo xalaal ah sidii dalka ay uga dhici lahayd.

Xildibaanad Mahad Salaad oo ka warbixiyay kulanka  ayaa sheegay in Xildhibaanada ay saxiixeen Petition ama dacwad lagu cadaynayo mowqifka Kutlada Badbaado Qaran iyo sida dalka iyo dadka looga badbaadin lahaa qatarka ku soo fool leh.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale baaq u diray dadka Soomaaliyeed, Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Dowliga ah ee kaalmeeya dowlada Soomaaliya oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale uga digay  saraakiisha Farmaajo u adeegsanayo burburinta dalka ee ku tumanaya shuruucda dalka in aysan ciqaab la’aan noqon doonin hadii aysan ka waantoobin ficilada liddiga ku ah dimuquraadiyada iyo xasilloonida dalka.

Ugu dambeyntii Xildhibaanadan Badbaado Qaran ayaa uga digay  Gudoonka Barlamaanka ineysan gacantooda ku burburin,  hormuudna aysan ka noqon mudo kordhinta sharci darada ah ee Farmaajo ka raadinayo Goleyaasha Barlamaanka.

Muqdisho-Somalia