Home RA’YIGA Xildhibaanadu Ma Dhiiri Geliyeen Al Shabaab Mise Weerar Afka Ayey Ku Qaadeen?

Xildhibaanadu Ma Dhiiri Geliyeen Al Shabaab Mise Weerar Afka Ayey Ku Qaadeen?

0
SHARE

Markaan dhageystay Warbixinta ay kasii daayeen Badankood Xildhibaanadii Seddexdii Cisho lasoo dhaafay Dooda Amniga ka hadlayey waxa ii soo baxday Hal Arin.

Waxay tahay in Xildhibaanadu ay Tabar dhigeen oo weerar Afka uun ku qaadayeen Shabaab runtana dadka qaar ay si kale ufahmeen.

In Shabaab ay Yimaadaan Muqdisho oo dilal iyo Qaraxyo ay soo agaasimeen ka fuliyaan waa udaciifnimo Hay’adaha Amniga waana mid in wax laga qabtaa ay tahay.

Khudbadihii Xildhibaanada Golaha Shacabka waxay ahaayeen kuwo Dhab ka hadal ah balse ay Shabaabka dhiiri gelin ka qaadayaan.

Buun buuninta Guulaha Shabaab waa inta ay rabeen hase ahaatee wixii Xunba Xaawaa leh siday Soomaalidu tiraahdee Xukuumada iyo Hay’adaha Amniga ayaa dhabarka saaranaya wax walbo oo xun iyo Amni daro.

Xildhibaan Daahir Jeesoow ayaa si caro ku jirto usheegay in Xildhibaanada looga baahnaa intii ay warkaasi Shabaab Farxad gelinaya baahin lahaayeen ay iyaga weydiiyaan Gudiga Amniga Golaha Shacabka hadii ay yihiin wixii xog ah ay hayaan.

“In indho ka cabir lagu dhaqmo oo la iska hadaaqo ugama fadhin Baarlamaanka,ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow”.

Hadalkii iigu yaabka badnaa waxaa jeediyey Xildhibaan Caasho Koos oo Tidhi “Ciidanka Qaranka Ee jooga Isgoysyada markii aan la kulano waan ka qarsanaa Aqoonsigeena (ID CARD) sabab la xiriirta waan ka Cabsanaa iyaga,hooyo Soomaaliyeed baan nahay baan ku marnaa Wadada”.

Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris (Ganeey) waxa uu sheegay in Xukuumada Xasan Cali Kheyre ay ku fashilantay Amniga sidaa awgeedna uu ugu baaqayo inuu Is casilo.

Iskusoo wada hooriyoo Dhamaan Hadalkaas waxay Shabaab ka dhigeen mid dhiiri gelin buuxda ka qaadeen,ayna Howshooda inay sii laba jibaaraana usii sahleysa.

AFEEF: Qoraha Warbixinta ayey ugaar tahay Fikirkiisa ayuuna ka hadlay kama tarjumayo Webka Warqaad

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE