Home WARARKA Xildhibaan Sakariye oo Fariin La Yaab leh u diray Shacabka Somaliland,Hal Arrina...

Xildhibaan Sakariye oo Fariin La Yaab leh u diray Shacabka Somaliland,Hal Arrina ka dalbaday

0
SHARE

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay taageeraan go’aankii shalay Baarlamaanka Soomaaliya uu ka qaatay Shirkadda DP World.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud ayaa xusay in Baarlamaanka Soomaaliya marnaba aanu aqbali doonin in shirkado iyo dowlado Shisheeye ay ku soo xad gudbnaan Qaranka Soomaaliyeed.

Waxaana uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in meel loog soo wada jeesto cid walbo oo caqabad ku ah jiritaanka iyo Qaranimada Ummadda Soomaaliyeed.

Xildhibaanaga Golaha Shacabka ayaa shalay Kullankoodii ugu horeeyay ee kalafadhiga 3-aad go’aan dalka looga mamnuucayo ka soo saaray shirkadda Dp World oo lagu eedeeyay iney ku xadgudubtay Qaranimada Soomaaliya.

Sidoo kale,Madasha Talo wadaag ayaa soo dhoweysay go’aanka Xildhibaanada Golaha Shacabka,waxayna sheegtay iney muhiim tahay in wixii wax u dhimayo Qaranimada Soomaaliya lala dagaalamo.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE