Xildhibaan Mahaad Salaad oo ka sheekeeyay arrin dhexmartay isaga iyo Rooble

0

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka sheekeeyay kaftan dhexmaray isaga iyo Ra’isul Wasaare Rooble oo ku saabsan arrimaha doorashada.

Mahad ayaa xusay in Ra’isul Wasaaraha uu kala hadlay in siyaasadiisa uu wax ka badalo islamarkana uu dhinacyada iska soo hor jeeedo dhexdhexaad u ahaado.

Hoos ka akhriso qoraalka

Kaftan aniga iyo Abtigey Rooble galabta nagu dhex maray Madashii lagu shaacinayay heshiiska. Wuxuu i su’aalay Abtiyow maxaa dagaalka kugu qasbay soo anigu Abtigaa ma’ ihi meeshana kuuma joogo?

Waxaan ku iri waa runtaa adigaa Abtigey ah, meeshana ii jooga lkn Abtiyow markii Mursal ii diiday inaan tago Golihii aan ka tirsanaa, codna malihid la’i yiri. Farmaajo-na jidadka ciidamo ii dhigay ee albaab kasta iga celiyay, cid noo garqaada ama iga celisana aan waayay ayaan ku qasbanaaday in aan ka dagaalamo gardarada, dulmiga iyo ku tagrifalka awoodeed ee Mursal iyo Farmaajo ku bahoobeen!

Intaas markaan isdhaafsanay Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa mid Wasiirada meesha joogay ka mid ah inta soo booday igu yiri “hada ma qanacsantahay”? Si degan ayaa waxan ugu iri “mar hadii Golihii Mursal fuuntoobay waxtar dambena uusan lahayn. Farmaajo-na jidadkii shalay uu ii diiday maanta aniga wax la iga weydiinayo, wax cabasho ah ma qabo”. Wasiirkii inta dhinacyada iska fiiriyay oo dhoolacadeeyay ayuu tartiiba u siibtay. Malaha mid Fahad iyo Farmaajo wali u noolyihiin oo yaan lagu maqlin isleh ayuu ahaa!

Hadal iyo dhamaantiis hada waa la heshiiyay ee howsha aan wada qabano. Mahadsanidiin.

Muqdisho-Somalia