Xildhibaan Halis Ku Ahaa Nabad & Nolol Oo Dhaqaale Ka Helay Xukuumada Kheyre

0

Xildhibaankani ayaa ahaa mar mid ka mid ah Xubnaha aadka ugu cad cadaa Mucaaradnimada Dawlada Madaxweyne Farmaajo hogaamiyo.

Waxa Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur uu hadda sameeyey isbadel islamarkaana bilihii lasoo dhaafay uu ka gaabsaday weerarka uu ku qaadi jiray dhinaca Afka ah Dawlada Federaalka.

Xildhibaanka oo dadka qaar ku naaneysaan “30 Jir 30 Milyan Heysta’ ayaa ka dhisay Muqdisho Hoteel Qaab Casri ah,waxa uu geliyey Dhaqaale fara badan.

Beesha uu ka dhashay waxay sheegeen in isku soo dhawaanshiyo laga dhex sameeyey isaga iyo dawlada maadaama ganacsigiisa uusan taaba geli karin hadii Dawlada garab laga heysan.

Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa dhaqaale uu ka helay kadib markii shalay lagu marti geliyey Hoteelkiisa Shirweynaha Qaran Ee Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Hoteelka Elite Muqdisho ayaa waxaa iska leh Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo hadda la leeyahay waxa uu ka dabciyey dagaalkii siyaasadeed Ee dawlada uu kula jiray dhanka ganacsigiisa isagoo diirada saaraya kana faa’iideysanaya si dhaqaale uu usameeyo.