Xildhibaan Cosoble” Heshiiska Goloha Wadatashiga Qaran waxaa loo gaaray si…

0
13

Xildhibaan Cabdiqadir Cosoble oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka  Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa ka hor yimid heshiiskii golaha wadatashiga Qaran ay ku gaareen magaalada Muqdisho.

Wuxuu ku tilmaamay in go’aankaas ee dhanka doorashada la gaaray inuu yahay mid lagu doonayo muddo kororsi ay sameeyaan waxaana uu xusay in maamul Goboleedyada qaar ay u harsan tahay wax ka yar 5 Bilood.

” Shalay shaatiyaa muddo kordhin loo tolanaa ninkii dhahayay maanta in uu dhaho shaatiyaan u tolanaa muddo kordhin laga yeelayi maayo waxaana horey taasi looga diiday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya”.

Hadalka Cosoble ayaa ku soo aadaya xili siyaasiyiin dhowr ah ay ka hor imaadeen heshiiska doorasho ee lagu gaaray Villa Soomaaliya kaa oo Saciid Deni oo kaliya uu ka maqnaa.

Muqdisho-Somalia