Xiisadii Sheekh Shariif Ciidanka Gurigiisa ku beegsadeen oo Weji Kale Yeelatay

0

Xiisadii ka taagneyd Muddooyinkii dambe Muqdisho ayaa waxay hadda umuuqataa mid soo laba kacleysay xilli Dawlada Soomaaliya ay sheegtay inay been abuur tahay warar sheegaya in la beegsaday Hoyga Sheekh Shariif.

Siyaasiyiin katirsan Xisbiga Himilo Qaran ayaa xaqiijiyey in isku daygaas uu ahaa mid ay Dawlada Dhexe ku fashilantay.

Waxay sheegeen ilo madax banaan oo lagu kalsoon yahay in Dawlada ay diidan tahay qorshe walbo oo keeni kara isku dhacyo Abuuri kara in la dagaalamo.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in ciidamo ku heyb Sheekh Shariif in lagu diyaarinayo Muqdisho,kuwaas amniga sugaya.