Home WARARKA Xiisad ka jirta Baladweyne & ciidamo ku heyb ah Guddoomiyihii xilka laga...

Xiisad ka jirta Baladweyne & ciidamo ku heyb ah Guddoomiyihii xilka laga qaaday qal qal wada

0
SHARE

Xiisad dagaal oo u dhexeysa Ciidamo taabacsan guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo kuwa maamulka HirShabelle ayaa maanta ka ka taagan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolkaasi.

Guddoomiye Jeyte ayaa la sheegay in uu ka biyo diidan yahay xilka qaadis uu dhawaan ku sameeyay Madaxweyne Waare, isagoona haatan Ciidamo ku aruursanaya qeybo ka mid ah magaaladaasi Baladweyne.

Ilo deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in laga cabsi qabo dagaal, maadaama dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ay ka socdaan halkaasi.

Sidoo kale munaasabad la filayay in maanta xilka uu ku wareejiyo guddoomiye Jeyte oo ka dhacday Baladweyne ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in uusan ka qeyb galin.

Balse waxaa lagu soo warramayaa in isaga oo ka maqan munaasabaadaasi uu xilka la wareegay guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan C/laahi Sufurow.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in guddoomiyihii xilka laga qaaday uu dalbaday Lacag gaareysa 200 oo kun oo Dollarka Mareykanka, si uu xilka u wareejiyo.

13-kii bishan ayey ahayd markii Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare uu xilka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE