Warrarka ka imaanaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo ah kuwa dawladda oo ka yimid Boosaaso ay soo gaareen halkaas, xili ay sii kordhayso baqdinta la xiriirta in rabshado ka dhashaaan muranka doorashada ee ka taagan Puntland.
Sawirro lasoo bandhiggay ayaa muujinaya dad ka qaxaya xaafaddaha qaar, iyadoo badi iskuullada la xiray.
Garoowe waxa horey ugu sugnaa ciidamada Danab oo ka soo horjeeda qorshaha dawladda ee ah in doorashada loo qabto hannaanka ay u soo jeediyeen guddiga doorashooyinka Puntland iyo ciidamo beeleedyo kale oo dhammaantood ku eedeynaya Madaxweyne Dani in uu doonayo in uu waqtiga kororsado.
Qaabka loo qabanayo iyo waqtiga Doorashada Puntland ayay ku kala aragti duwan yihiin madaxda dawladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka, wuxuna midba mid kale ku eedeynayaa in uu dastuurka ku xadgudbay.
Xogihii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Saciid Deni uu diiday waan waan ay wadeyn isimada Puntland islamarkaana uu iridaha kasoo xirtay una sheegay inuusan qorshaha ugu jirin wax wada hadal ah.
Deni ayaa qorsheynaya inuu dagaal ama xeelad kale ugu shubto doorashada soo socota isaga oo xitaa diiday dalabyo uga yimid Beesha Caalamka oo ah in doorashada laga talageliyo mucaaradka.
Xogo dheeraad ah oo sidoo kale nasoo gaaray ayaa tibaaxaya in Deni uu diyaarsaday ciidan farabadan islamarkaana ay isku hareereeyeen magaalada iyada oo qorshahooda uu yahay iney soo qabqabtaan xubnaha mucaaradka.
Xaaladda magaalada Garoowe ayaa hadda kacsan iyada oo wali dadka ka qaxayaan magaalada waxaana laga cabsi qabaa iney xaaladda dagaal isku badashay.
Muqdisho-Somalia