Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay ciidamada Soomaaliyeed ee laga ka qeyb galiyay dagaalka TPLF

0

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa markii u horeysay ka hadlay wararka ku saabsan xaalada dhalinyaro Soomaaliyeed oo labo sano ka hor tababar loogu qaaday dalka Eritrea.

Xasan Sheekh ayaa sheegay  in ay tahay wax laga xumaado in ciidan Soomaaliyeed loo diro dal shisheye islamarkana laga dagaal geliyo.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in war iyo wacaalkooda la la’yahay wiilasha Soomaaliyeed , isagoo ugu baaqay dowladda in cadeyso xaalada ay ku sugan yihiin dhalinyaradaas.

Waxa uu sheegay  Madaxweynaha in wiilashaas lagu bixiyay dadaal dheeraad ah islamarkana wax la barayay sanado isagoo tilmaamay iney qalad tahay in dowladda ay daawato ilinta waalidiinta Soomaaliyeed oo maalin walbo banabax ka dhiga wadooyinka Muqdisho kuwaa oo codsi u dira Dowladda Federalka.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu ku tilmaami karo arrintaas wiilal Soomaaliyeed oo laga gatay dowladda Itoobiya si au ula dagaalamaan Tegree.

“Waxaan leeyahay dowladda iyo ragga siyaasiyiinta kuwa hadda jooga iyo kuwa barigii ay dhalinyarada baxeysay xilalka hayay, laakiin aan hadda xilka heynin intaba mas’uuliyad ayaa ka saaran, waa inay sheegaan xaalkooda, sababta ay u baxeen, meesha ay aadeen iyo tiradooda, waxa ay maanta ku sugan yihiin, hooyooyinka maalin kasta dariiqa taagan ee oynaya in ilmahooda xaalada ay ku sugan yihiin in loo sheego xaq ayay leeyihiin”