Xasan Sheekh oo ka hadlay heshiiska ay la galeen xukuumadda iyo go’aanka ciidamadooda…

0

Madaxwaynihii hore Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ahna Musharax Madaxwayne mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweeyey dadaaladda iyo shaqada wanaagsan ee uu wado Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Xasan Sheekh ayaa maanta ka qeyb galay shir heshiis looga gaarayay ciidamada midowga musharaxiinta ee dhufeysyada kaga jira Muqdisho iyadoo lagu heshiiyay in dib loogu celiyo xarumahooda loona adeegsan karin siyaasad.

“Waxaan bogaadinayaa dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee xal u helidda xiisadda ka dhalatay muddo kororsigii, sidoo kale waxaan soo dhaweynayaa shirka uu ku baaqay 20ka bishan.Dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saaxiibada Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa in ay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku garab istaagaan hirgelinta doorasho xor ah oo dalkeena ka dhacda”. Ayuu yiri Madaxwaynihii hore JFS Ahna Musharax Madaxwayne mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh ayaa horay uga hor yimid in horay laga saaro ciidamada difaaca ee midowga musharaxiinta isagoo hoosta ka xariiqay in marka hore la gaaro heshiis la isku haleyn karo.

Muqdisho-Somalia