Xasan Cali Kheyre oo wajahaya eedeymo waa weyn oo saameyn ku yeelanaya doonistiisa madaxweynenimo

0

Ra’isul wasaarihii dowladda Maxamed Farmaajo  ee waqtigeeda dhamaaday Xasan Cali Kheyre hadana ah musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa wajahaya eedeymo la xiriira inuu qeyb ka yahay mas’uuliyadda dhalinyaradii Soomaaaliyeed ee loo diray dalka Eretria.

Xasan Kheyre ayaa ahaa Ra’isul wasaaraha Soomaaliya xiliga askarta Soomaaliyeed loo daaabulayay Ereteria kuwaa oo la qaaday Saddex jeer oo kala duwan.

Tan iyo markii uu dhacay dagaalkii Dowladda Federalka Itoobiya ku qaaday qowmiyadda TIgreyda waxaa soo shaac baxday warar sheeegaya in askar Soomaaliyeed ay ka qeyb qaateen kuwaa oo tababar loogu qaaday dalkaasi.

Waxaa warkan sii xoojiyay qoraal ka soo baxay Todobaadkan ergeyga gaarka ah ee Q.M u qaabilsan arrimaha xuquuqul Insaanka oo cadeeyay ku lug lahaanshaha askar Soomaaliyeed dagaalkii ka dhacay Ethiopia gaar ahaan magaalada Agsum ee gobolka Tigreega.

Xasan Cali Kheyre ilaa hadda arrintan kama uusan hadlin waxaana uu ka gaabsaday codsiyo kala duwan oo loo diray si uu arrintan uga sheego waxa uu ka ogyahay balse wuu ka gaabsaday.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay iskala tirsan yihiin golaha midowga musharaxiinta ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta xilka heysay markii dhalinyaradan Soomaaliyeed loo daad gureynayay dalka Erereria iney qataan doorkooda oo arrintan ay ka sheegaan wixii ay ka ogyihiin isagoo ula jeeda Ra’isul Wasaare Kheyre.

“Waxaan leeyahay dowladda iyo ragga siyaasiyiinta kuwa hadda jooga iyo kuwa barigii ay dhalinyarada baxeysay xilalka hayay, laakiin aan hadda xilka heynin intaba mas’uuliyad ayaa ka saaran, waa inay sheegaan xaalkooda, sababta ay u baxeen, meesha ay aadeen iyo tiradooda, waxa ay maanta ku sugan yihiin, hooyooyinka maalin kasta dariiqa taagan ee oynaya in ilmahooda xaalada ay ku sugan yihiin in loo sheego xaq ayay leeyihiin”

Sidoo kale Duqii hore ee Muqdisho Taabid Cabdi hadana ah Musharax madaxweyne ayaa isna ku baaqay in Kheyre arrintan wax laga weydiiyo maadama uu xiligaas ahaa mas’uulka ugu sareeya xukuumadiisa.

Waxaana uu Taabid ku yiri qoraal uu soo saaray” Mas’uuliyiinta ka hadlay dhallinyarada Eritrea tababar loogu qaaday oo aan raq iyo ruux toona la heynin. Waxaan oran lahaa baaritaan bulshada u furan “Public Enquiry” dhexdiina ka sameeya, maadama uu Midowga Musharrixiinta xubin idin kala yahay Raisulwaarihii hore oo xog ka bixin kara amuurtan, hoggaanna u ahaa hay’addii fulinta xilligaas. Ood dhacmeed sida ay u kala sareeyaan ayaa loo kala guraa”

Sidan si lamid ah waalidiinta ay dhalinyaradaas ka maqan yihiin ayaa dalbaday in Ra’isul wasaarihii hore uu wax uga sheego halka ay ku dambeeyeen wiilashooda balse wali kama uusan hadlin, waxaana dhowr jeer ay ka dalbadeen dowladda Soomaaliya iney ka jawaabto baaqyadooda iyagoo dhowr jeer banaabax ka dhigay Muqdisho.

Marka la eego baaqyada kala duwan ee loo dirayo Kheyre waxaa muuqata in saameyn ay ku yeelan doonto mustaqablkiisa madaxtinimo ee Soomaaliya maadama dad nool nool oo la sheegay in Tababar loo qaaaday aanan laga heynin war iyo wacaal rasmi ah.

By: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)

Abdiazizh99@gmail.com

Muqdisho-Somalia