Xasan Cali Kheyre ”Geerida saaxiibkeey waxey ii taabatay si aad u xanuun badan”

0

Allaha unaxariistee waxaa maanta geeriyooday marxuum Cali Muuse Cabdi oo ka mid ahaa rugcadaaga dhinaca wariyeyaasha soomaaliyeed iyadoo tacsi ay direen mas’uuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sidaan soo qoray:

Geerida saaxiibkey Cali Muuse Cabdi waxey ii taabatay si aad u xanuun badan. Wuxuu ahaa suxufi xirfadyahan ah, waaya arag ah, dun wanaagsan oo dalka iyo dadka aad u jecel. Waxaan nafteyda, bahda saxaafadda, qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliya uga tacsiyeynaya geerida suxufi Cali Muuse Cabdi.

Waxaan maanta luminay saaxiib hal abuur iyo hibo badnaa oo wax badan noogu fadhiyay. Waxaa Alle u weydiinaya naxariis iyo dembi dhaaf.

Inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun.