XASAASI: Xogta Ciidankii eriteria laga soo celiyey oo gadood sameeyey

0

Wararka laga helayo magaalada muqdisho ayaa sheegayey in gadood ay sameeyeen ciidankii eriteria laga soo celiyey ee la iskugu geeyey xerada General Gordan ee magaalada Muqdisho.

Xiisad ka dhalatay arinta ay gadoodka sameeyeen ciidamadaasi ayaa la dareemayey maalmihii lasoo dhaafay,waxaana ciidanka eriteria kusoo tababartay ay diideen in la hoos geeyo Dawladda Imaaraat-ka carabta.

Warar lasoo geliyey baraha bulshada ayaa la arkayey ciidamo cabdi bileyaal saaran oo aagga tarabuunka ku socdaalayey maalin ka hor kuwaas oo lagu sheegay inay ahaayeen ciidankii eriteria kasoo laabtay.

Askartaan oo xerada general gordan kusugnaa ayaa la sheegay in ay gadoodkooda dalbadeen in laga soo garbaxo iyaguna ay diyaar uyihiin dalka iyo dadka soomaaliyeed inay difaacaan usoo dhaarteen.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidankaasi qeybtood ay ka baxsadeen xerada general gordan oo ku taalla agagaarka isbitaalka xoogga ee degmada hodan dibna loogu soo celiyey.

Askarta laga soo celiyey eriteria ee tababarka soo qaatay ayaa tiradooda lagu sheegay 1050 (kun iyo konton Askari) waxaana weli dhiman askar kabadan 3,500 tiro gaareysa.