XASAASI: Wasiir Axmed Fiqi oo deg deg ubaajiyey safar uu aadi lahaa

0

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin fiqi ayaa baajiyey Safar uu ku tegi lahaa deegaano katirsan Gobolka Gedo,kadib xiisada ka jirta saacadihii lasoo dhaafay Gobolkaasi.

Fiqi ayaa la sheegay inuu hogaamin lahaa wafdi ka socday Dawladda dhexe oo Gedo utegi lahaa sidii gacanta Jubbaland gobolkaasi lagu soo celin lahaa,balse xiisada dooloow ayaa hakad gelisey socdaalkooda.

Wasiirka Amniga Prof, Doodisho oo beel ahaan kasoo jeeda Gobolka gedo & xildhibaano beesha Mareexaan ah ayaa qeyb ka noqon lahaa socdaalkaasi balse Fiqi ayaa la sheegay inuu Madaxweyne Xasan Sheekh uraaci doono Dalka Mareykanka uu shirka africa iyo Mareykanka udhaxeeya kala qeyb geli doono.

Xiisada udhaxeysa Gudoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buule Gareed (Canjeex) iyo Taliyaha NISA Gobolka Gedo Bakaal Kooke,ayaa isku haya canshuurta kasoo xaroota garoomada diyaaradaha Gobolka Gedo oo Bakaal Kooke uu gacanta ku hayey muddo sanado ah.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu dalab hordhigay Ra’iisul Wasaare Xamse Barre aheyd in Gedo maamulkooda lagu soo celiyo maadaama nidaamkii hore ee Farmaajo ay muddo malafka Gobolka Gedo gacanta ku hayeen.