Xasaasi: Warar sheegaya in MD Xasan Sheekh safar qarsoodi ah ku tegay Isra’iil

0

Warar kala duwan oo la helayo ayaa sheegaya in wafdigii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee gaaray dalka iskutaga imaaraadka carabta ay kala hareen oo arimo xasaasi ah lasoo tebinayo.

Lataliyaha Amniga qaranka Xuseen Sheekh Cali,Agaasimaha Hab maamuuska Madaxtooyada iyo Agaasimaha NISA Mahad Salaad oo wafdigaasi qeyb ka ahaa ayaa la sheegay in lagu karantiilay hoteel ku yaalla Magaalada Abu dhabi.

Xog ay heshay Warqaad ayaa sheegeysa in kadib Madaxweyne Xasan Sheekh diyaarad gaar ah u qaaday Isra’iilĀ  caasimada Magaalada talaabiib,iyadoo warar intaas dhaafsiisan la helin.

Barta Twitter-ka saacado ka hor ayaa xogahaan lagu faafiyey iyadoo war iyo wacaal laga waayey Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa tan iyo seddex cisho ka hor markii ay tegeen Dalka Iskutaga imaaraadka carabta.

Warar ayaa sheegaya in shir qarsoodi ah uu dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Isra’iil Naftali Bennett lamana oga waxyaabaha gaarka ah ay kawada hadleen.

Ilaa hadda ma jirto war kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya oo looga hadlayo arintaan iyo waxa ka jiro xilli hore looga shakisanaa in ay xiriir dhaw yeesheen Dawlada Xasan Sheekh iyo Maamulka Israa’iil.