XASAASI: Soomaaliya Oo Dacwad Dhan Ah Dawlada Kenya Gudbisey

0

Dawlada Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugudbisey Saacado ka hor Dacwad ka dhan ah dhigeeda Kenya.

Waxay Dacwadaan daaran tahay ama ku saabsan tahay xad gudub Kenya kusoo sameysay hawada markii dhawaan ay Diyaarad Nairobi ka tagtay ay Kismaayo ka degtay.

Dacwada waxaa loo diray Qoraalka Soomaaliya ay diyaarisey Hay’ada Duulista Hawada Ee Caalamka qaabilsan ICAO oo qaramada midoobeey udiin waan gishan.

Warar la helay ayaa sheegaya in ICAO ay dooneyso xal laga gaaro buuqaan soo kordhay Xilli Labada waddan markii hore isku hayeen Arimaha Muranka Badda ah.

Waxay rajo ka qabtaa Soomaaliya inay hesho Jawaab cad oo lagu qaadi doono Xad gudubka ay Kenya Hawada Soomaaliya kusameysay bilowgii Isbuucaan.

Hay’ada Duulista Hawada Soomaaliyeed ayaa Bishii hore Ee September waxay amartay in diyaarad walbo oo usocota Kismaayo ama ka imaaneysa ay qasab tahay inay soo marto Muqdisho.