XASAASI: Somaliland & Puntland oo Xiisad soo kala dhexgashay kadib Weerar lagu qaaday Wasiir

0

Wararka ka imanaya degaanka Damalle Xagarre ee Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaas ay saaka ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Maamullada Puntland iyo Somaliland.

Ariintan ayaa ka dhalatay markii shalay gelinkii dambe Ciidamo ka tirsan Somaliland ay weerar ku qaadeen wafdi uu la socday Wasiirka Waxbarashada Puntland oo marayay degaankaas.

Dagaal culus oo ka dhacay goobta kaddib labada Ciidan ayaa waaga u baryay saaka iyaga oo is hor fadhiya.

Gobollada Bari iyo Karkaar ee Puntland Ciidamo ka baxay ayaa saaka ku sii jeeda degaanka lagu dagaallamay halka Ciidamada Somaliland ee laga soo raray degaanka dararweyne la geeyay degaanka Yubbe iyo tuulada Biya Guduud.

Labada Maamul ee Somaliland iyo Puntland ayaan ilaa hadda ka hadlin dagaalka u dhaxeeya labada dhinac ee ka dhacay Gobolka Sanaag iyo isu biratumashada ay ka wadaan Gobolka.