XASAASI: Shaki ka dhashay Qaraxii maanta & Gabadhii la dilay oo la sheegay in…

0

Xogta la helay ayaa sheegeysa in qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay isgoyska ceel gaabta Magaalada Muqdisho uu abuuray guux iyo shaki weyn.

Ilo wareed ayaa tilmaamaya in Hibaaq Abuukar oo gaari ay wadatay lagu dhuftay baabuurkii ismiidaamiyey taas oo shaki abuurtay.

Al Shabaab ayaa sheegtay qaraxa ismiidaaminta ahaa,waxaana khasaaro shacab ubadnaa weerarkaasi ay ku waxyeeloobeen iyadoo ay jireen dhowr qof oo ku dhaawacmay.

Hibaaq Abuukar ayaa ka shaqeeneysay xafiiska R/wasaaraha Dalka iyadoo dilkeeda ay dad badan ka naxeen maadaama ay aheyd gabar wax soo baratay.

Hibaaq waxaa warar soo baxay ay sheegayaan in ay saaxiibo dhaw ahaayeen Ikraan Tahliil Faarax islamarkaana la tuhmay inay xog kusaabsan ikraan ay heysay.

Inkastoo weli laamaha amniga somaaliya ayasan xogtaan la wadaagin bulshada iyo beegsiga in lagu bartilmaameedsaday qaraxii ceel gaabta barqadii maanta ka dhacay Hibaaq Abuukar hadana waa xog dibada timid saacado kadib.

Xafiiska R/wasaare Rooble ayaa dad ka shaqeeya waxay sheegeen in Marxuum Hibaaq Abuukar ay aheyd gabar shaqo yaqaan ah,Af gaaban oo dad la dhaqanka ku wanaagsaneyd.