XASAASI: MW Farmaajo oo Dh/mareeb kala laabanaya natiijo la’aan

0

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in uu goordhow ka duulo Magaalada Dhuusamareeb oo lagu kala tagey shirkii u socday madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda faderaalka.

Dhinacyada ayaa isku mari waayay qodobadii la isku hayay oo ay ugu weyn tahay arrinta Gobolka Gedo.

Madaxwaynayaasha Dowlad Goboleedyada oo badankood ka xumaadey sida uu Madaxweyne Farmaajo ugu adkeystay go’aankiisii hore ayaa haatan wada shir jaraa’id oo mid walbaa si gooni ah u qabanayo.

Waxaa kale oo isna warbaahinta la hadlaya wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo la filayo in uu eedeymo culus u jeediyo madaxda dowlad goboleedyada qaarkood.

Wixii ka soo kordha dib kala soco Warqaad