XASAASI: Maxbuus Al Shabaab ahaa oo ka baxsaday Xabsiga dhexe Xamar

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya maxbuus katirsanaa ururka Al Shabaab oo la sheegay inuu baxsaday kaas oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee xamar.

Ilo sirdoon oo katirsan NISA ayaa xaqiijiyey in maxbuuskani uu ahaa xukunsane ku xirnaa muddo sanado ah xabsiga dhexe kadib howlgal lagu soo qabtay gudaha Muqdisho.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Maxbuuskani oo ka mid ahaa kuwa sirdoonka u ahaa AL Shabaab lasoo qabtay 2018-kii Afar sano ka hor islamarkaana muddo uu kuxirnaa xabsiga.

Sida xogta sheegeyso waxa soo wajahay xanuun keentay in shalay oo axad aheyd loo qaaday cusbitaalka martiini oo ay gacanta ku heyso Dawlada soomaaliya,iyadoo kadib wax la fileyn ay dhacday.

Maxbuuska ayaa dalbaday inuu helo musqul si uu uxaajo guto,balse waxaa daqiiqado badan kadib markii musqushii la jebiyey laga waayey ninkaasi oo daaqad qeybta sare ay ku laheyd musqusha ayuu jebiyey uu ka baxsaday.

Waxaa ilo sirdoon kale ay sheegayaan in la fududeeyey howshaan taas oo la tilmaamay in maxbuuskaan uu hadda kusugan yahay deegaanada Al Shabaab uu galabta gaaray.

Ilaa hadda taliska NISA,Midka Asluubta ee ilaaliya xabsiga dhexe iyo taliska booliska midna kama hadlin maxbuuskaan katirsanaa Al Shabaab ee baxsaday,xilli lasoo sheegayo in la dayacay amnigiisa in la ilaaliyo ay aheyd sida la sheegay oo dhaq dhaqaaqiisa gaarka ah lala socdo inta cusbitaalka uu kusugnaa.

Tallaabadaan oo kale hadda ka hor waxaa maxbuus isagoo muqdisho meel ka mid ah ku ahaa Wasiirkii hore amniga jubbaland C/rashiid Janan uu ka baxsaday doon uu ka raacay Muqdisho kadibna gaaray Kismaayo.

Sidoo kale sargaal hore uga tirsanaa Nabad sugida Jubbaland oo lagu magacaabo C/llaahi Nasri ayaa sidaan oo kale xabsiga godka jilicoow looga saaray intuba waxaa la adeegsanayey oo fududeeyey howshaasi askar kale oo isla dawlada katirsan dhaqaalana lagu siiyey.